Wararka ka imaanaya Koonfurta wadanka Lubnaan ayaa sheegaya in weeraro khasaara lagu gaarsiiyay lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa Yahuudda.
Dagaallo culus oo ururka Xisbullaah iyo ciidanka Sahaayinada ku dhaxmaray tuulada Caddiisa ee dhacda xuduud beenaadka ay wadaagaan Lubaan iyo dhulka Falasdiin ee ixtitaalka kujira.
Ugu yaraan 2 askari Yahuud ah ayaa lagu dilay weerarka halka ay dhaawacyo soo gaareen 18 askari oo kale, afhayeen uhadlay Xisbiga Iiraan ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ay weerar dhabbagal ah ku kediyeen ciidamada Sahaayinada saacado kadib markii ay kasoo gudbeen xuduud beenaadka.
Warbaahinta cadowga ayaa iyana xaqiijisay in askar looga dilay weerar jidgal ah oo ka dhacay Koonfurta Lubanaan, waa ciidamadii ugu horreeyay oo Sahaayinada laga dilo tan iyo markii uu u billaawday duullaanka cudwaaniga ah