Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax maanta lala beegsaday ciidanka DF Soomaaliya.

Wednesday October 02, 2024 - 14:01:24
Liibaan Jeexoow
Qarax xooggan oo khasaare kala duwan geystay ayaa maanta ka dhacay deggaanka Qalimow ee hoos-taga degmada Balcad ee Shabeellada dhexe.
Bartilmaameedka qaraxan oo ahaa ciidan lug ah oo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay 3 askari, halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale dagaal culus ayaa xalay lagu qaaday saldhigga ciidanka dawladda Somaliya ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Sh. hoose.

Weerarradan ayaa imanaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay 22 Askari oo afrikaan ah ay sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarro lagula beegsaday isla gobolkan Sh. Hoose.

Mas’uuliyadda qaraxyada iyo weerarradan ayaa dhammaantood waxaa sheegatay xarakada Al-Shabaab oo maalmahan jiif iyo joogba u diidday ciidamada soo-duulayaasha iyo kuwa dawladda federaalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences