Khasaare xooggan oo ka dhashay qaraxyo maanta iyo shalay lala beegsaday ciidamada ATMIS

Wednesday October 02, 2024 - 12:15:39
Liibaan Jeexoow
Xoogagga Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyey weerarro xooggan oo ay ku beegsadeen ciidamada kuffaarta afrikaanta ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda.
Wararka naga soo gaadhaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xoogagga Al-Shabaab ay maanta qarax xooggan la beegsadeen ciidamada ATMIS ee deggaanka Danow.

Qaraxan oo ka dhacay afaafka hore ee deggaankaasi ayaa lagu bartilmaameedsaday ciidamo afrikaan ah oo ku sugnaa goobtaasi oo qori dhashiike ah ugu rakibnaa.

Bakhtigu waa 7 Askari oo Yugaandhiis ah, waxaana gabi ahaanba ku burburay qorigii dhashiikaha ahaa ee goobtaasi yaallay.

Sidoo kale ku dhawaad 15 ka tirsan ciidamada ATMIS ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyo shalay ka dhacay inta u dhexeysa Golweyn iyo Danow.

Dhimashadu waa 3 askari, halka dhaawacuna gaadhayo 11 askari, kuwaas oo 7 ka mid ah dhaawacoodu garaab yahay, sida ay sheegtay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka xarakada Al-Shabaab.

Waxaa kale oo jira weerar madaafiic ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab xalay ku beegsadeen xero afrikaanta ATMIS ku leeyihiin isla deggaanka Danow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Related Items

Update cookies preferences