Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay, tobaneeyo kalena waa la la'yahay ka dib markii labo doonyood oo sida qaxooti iyo muhaajiriin ka yimid Afrika ay ku degeen xeebaha Djibouti, sida ay sheegtay hay'adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan IOM.
Hay'adda Socdaalka Caalamiga ah ee IOM ayaa sheegtay in doonyuhu ay ka baxeen Yemen iyaga oo sida 310 qof ka hor intaanay ku degin Badda Cas.
"IOM waxay taageereysaa adeegyada gurmadka deg-degga ah ee dowladda oo ku howlan howlgalada raadinta iyo badbaadinta," ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta X, iyada oo lagu daray in 32 qof oo badbaaday la helay.
Ilaalada xeebaha Djibouti ayaa sheegay in dadaallada gurmadka wadajirka ah ay socdeen tan iyo subaxnimadii Isniinta, iyaga oo badbaadiyey 115 qof, waxaana wali la la'yahay tobaneeyo kale.
Doonyuhu waxay ku degeen wax ka yar 150 mitir (492 fiit) meel u dhow xeebta waqooyi-bari ee Djibouti, gobolka Khor Angar, sida ay sheegeen ilaalada xeebuhu.
"Waxaan weli ka go'an tahay inaan helno dadka maqan iyo inaan xaqiijinno badbaadada dadka ka badbaaday," ayay ilaalada xeebaha ku sheegeen bayaan ay ku daabaceen baraha bulshada, iyaga oo soo raaciyey sawirro muujinaya bacaha cad ee meydadka lagu ridayo.
Bishii Abriil, ugu yaraan 38 qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa ku dhintay ka dib markii doonidoodu ay ku degtay xeebaha Djibouti iyada oo maraysa isla jidkaas Badda Cas. Bishii Juun, ugu yaraan 49 qof ayaa iyaguan ku dhintay, badankood ka yimid Itoobiya iyo Soomaaliya, markii doontooda oo ka baxday Somalia ay dagtay.