Weerarka oo ahaa mid toogasho ah ayaa xalay fiidkii ka dhacay mandiqadda Yaafa ee ku dhow caasimadda Yahuudda, dagaalyahanno hubaysan ayaa waddooyinka ku tooganayay dadka Yahuudda.
Wasiirka amniga Sahyuunidda ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in ay xaqiijin karaan dhimashada 9 ruux iyo dhaawac soo gaaray 16 ruux oo laba kamid ah ay xaaladooda caafimaad aad uliidato.
Abuu Cubeyda oo ah afhayeenka muqaawamada ayaa bogaadiyay weerarkan isagoo ku tulmaamay falcelin halyaynimo oo katimid dhalinyarada muslimiinta ee uqiirooday diinkooda iyo walaalahooda lagu xasuuqayo magaalada Qaza.
Dhinaca kale dowladda Shiicada Iiraan ayaa xalay inkabadan 200 oo gantaal ku weerartay dhulka uu xoogga ku haysto maamulka Yahuudda ee Falasdiin, Hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay Yahuudda ku qaadeen weerar aargudasho ah midkii ugu xooganaa.
Sawaariikhda Iiraan oo isugu jirtay gantaallada Kuruuzka iyo kuwa riddada fog ayaa haleelay magaalooyin iyo saldhigyo ciidan sida lagasoo xigtay saraakiil ku sugan magaalada Tahran.
Madaxweynaha Iiraan oo isna hadlay ayaa sheegay in weerarkan ay ugu aargudayeen Ismaaciil Haniya iyo Xasan Nasrallaah oo Yahuuddu ay ku dishay weeraro gaadmo ah.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay sawaariikhda Shiicada Iiraan oo ku hoobanaysa gudaha Falasdiin balse illaa iyo hadda lamasoo sheegin khasaara dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarka Iiraan.