Dowladda Suudaan ayaa RSF ku eedaysay in ay dileen in ka badan 3000 oo carruur ah.

Tuesday October 01, 2024 - 17:55:47
Liibaan Jeexoow
Golaha Daryeelka Carruurta ee Dowladda Suudaan ayaa kooxda RSF ku eedeeyay in ay dileen carruur kor u dhaafaya 3000 oo ilmood tan iyo bilowgii dagaalka.
Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa carrabaabey in meelaha qaarkood carruurta loo adeegsadey gaashaan dagaal/xabbada la isaga dhigey.

Warbixin ka soo baxdey Golaha Daryeelka Carruurta maalintii Axaddii waxa sidoo kale lagu sheegay in isku dayada kufsiga ee carruurtu ay kor u dhaafayaan ilaa 5000.

"Kooxda RSF waxa ay dishey in ka badan 3000 oo carruur ah qaarkoodna waxa ay u adeegsadeen gaashaan dagaal” Xoghayaha Guud ee Sudan Cabdulqadir Cabdallah.

Waxa kale oo uu intaa ku darey in 57 gabdhood oo hore loo kufsadey ay ku ummuleen Khartuum sida ay sheegtay Wasaaradda Horumarinta Bulshada ee Suudaan. 

Xubnahan ka tirsan Xukuumadda Suudaan ee fadhigeedu yahay Port Suudaan ayaa ka dhawaajiyey in carruurta kufsiyada loo geystay ama iskudayada kufsi haleeleen ay la dhibaateysan yihiin qulub iyo cudurro nafsi ah.

Carruur lagu qiyaasey ilaa 10milyan ayaa la ildaran nafaqadarro ay ugu wacan tahay dagaallada iyo xaaladda qasan ee Suudaan. 

Dagaalka ka socda ee dalka Suudaan ayaa bilaabmey 15 April ee sannadkii ina dhaafey.

Related Items

Update cookies preferences