Dowladda Jabuuti oo sheegtay in Itoobiya ay ka cagajiidayso aqbalidda dekaddii loogu yaboohay.

Tuesday October 01, 2024 - 17:35:11
Liibaan Jeexoow
Xilli uu weli geeska Afrika ka taaganyahay khilaafka ka dhashay damaca Itoobiya ee biyaha gobolka ayay dowladda Jabuuti war kasoo saartay khilaafkaasi.
Xukuumadda Jabuuti ayaa xaqiijisay in dowladda Xabashida Itoobiya ay ka caga jiidayso aqbalidda dekad laga siiyay waqooyiga xeebaha Jabuuti.

Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa usheegay telefeshinka Aljazeera in Itoobiya aysan weli kasoo jawaabin yaboohii Ismaaciil Cumar Geelle ee ahaa in ay aqbasho dekadda Tajoora ayna ka sameysato adeegyo ganacsi oo ku xiri kara caalamka intiisa kale.

"Itoobiya annagu masiin saldhig ciidan badeed ah,mana siin qeyb kamid ah biyaha Jabuuti ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uyaboobay dekad ay wax kalasoo degaan waxna ka dhoofsadaan oo iyagu ay maamulanayaan si xal loogu helo khilaafka ka dhashay MOU-gii Somaliland lalagalay kaas oo geeska Afrika ka abuuray khilaaf siyaasadeed"ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiirka arrimaha khaarijiga dowladda Jabuuti ayaa intaas ku daray in weli uu taaganyahay ballanqaadkoodi ahaa in ay dekad siinayaan Itoobiya balse madaxda wadankaas aysan kasoo jawaabin yabooha loo sameeyay.

"Arrintaasi wali miiska ayay saarantahay u jeedada ugu wayn ee aanu ka lahayna waxay ahayd in aanu yarayno xiisada ka dhex jirta Itoobiya iyo Soomaaliya, madaama oo ay Itoobiya raadinayso marin badeed, waxaanu Itoobiya la wadaagnay mid kamid ah dekedaha ku yaal waqooyiga dalka" ayuu markale yiri wasiirka dibadda Jabuuti.

Redwaan Xuseen oo ah lataliyaha dhanka ammaanka ee Abiy Axmed ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay in Itoobiya ay doonayso bad ay qaadato oo aysan dooneyn dekad ganacsi iyo wax lamid ah

Related Items

Update cookies preferences