Weerarro maanta iyo xalay ka kala dhacay Sh. Hoose iyo Gedo

Tuesday October 01, 2024 - 12:27:22
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xooagga Al Shabaab ay maanta duqeeyeen xero ay leeyihiin ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya.

Xeradan oo ku taal degmada Ceel-waaq ee gobolkaasi ayay wararku tibaaxayaan in lagu beegsaday weerar madaafiic ah.

Khasaaraha ka dhashay duqayntaasi weli lama xaqiijin. Waxaase maalmahan isa soo taraaya weerarrada lagu beegsanayo ciidanka dawladda.

Dhanka kale wararka laga helaayo Shabeellada hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal culus lagu qaaday ciidanka Afrikaanta ATMIS.

Dagaalkan ayay xoogagga Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidanka Uganda ee ee deggaanka Golweyn ee Shabeellada hoose.

Related Items

Update cookies preferences