Wararka ka imanaya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in waaberigii saaka ay ciidamada lugta ee yahuuddu gudaha u galeen dalka Lubnaan.
Dhinaca koonfureed ee dalkaasi ayay saaka ciidamada gumaysigu ka bilaabeen hawl-galkan. waxaana warkaasi xaqiijiyey afhayeenka ciidanka sahayuuniyada.
"Hawl-gal millateri oo dhanka barriga ah oo xaddidan ayaa ka bilawday koonfurta dalka Lubnaan..” ayuu yidhi afhayeenka Yahuudda.
Hawl-glkan ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii ay khaarajiyeen hoggaamiyihii ugu sareeyey ururka shiiciga Xisbullah ee dalka Lubnaan Xasan Nasrallah iyo rag badan oo ka ag-dhawaa.
Sidoo kale hawl-galkan ayaa imanaaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo maalmahanba ay yahuuddu ka wadday dalka Lubnaan kuna xasuuqeen kumaan kun oo qof oo shacab ah.