Cabdifataax Alsiisi "Dowladda Soomaaliya waxa aan ku taageerayno waa ladagaallanka Argagaxisada ee kuma taageerayno colaad ka dhan ah Itoobiya".

Monday September 30, 2024 - 17:44:38
Liibaan Jeexoow
Jeneraal Cabdifataax Alsiisi oo ah madaxweynaha xukuumadda dabadhilifka Masar ayaa markale ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday geeska qaaradda Afrika.
Alsiisi ayaa markii ugu horraysay ka shanqariyay waxa ay salka ku hayso taageerada ay dowladda Masar siinayso DF-ka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Masar oo kalimad ka jeedinayay xaflad ay ku qalan jebinayeen ciidamo dhammeystay Akaadeemiyada Booliska magaalada Al Qaahir ayaa sheegay in aysan DF-ka ku taageerayn khilaafka kala dhaxeeya Itoobiya balse ay ku taageerayaan ladagaallanka waxa uu ugu yeeray Argagaxisada oo uu ula jeedo Al Shabaab.

"Soomaaliya kuma taageerayno khilaafka kala dhaxeeyo Itoobiya ee waxaan ka taageeraynaa dib usoo celinta amniga iyo ladagaallanka Argagaxisada" ayuu yiri Cabdifataax Alsiisi oo ah madaxweynaha Masar.

Xubno kale oo katirsan xukuumadda Al Qaahira ayaa iyana warbaahinta usheegay in hubkii ay isbuucyo ka hor ka dejiyeen magaalada Muqdisho aan lagula dagaallami doonin ciidamada Xabashida Itoobiya balse loo adeegsan doono ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada!.

Caddeymahan ay jeediyeen madaxda ugu sarraysa dowladda dabadhilifka Masar ayaa waafaqsan taariikhda madoow ee dowladdan uleedahay ladagaallanka islaamka iyo ehelkiisa waana nidaam uu dhisay Mareykanka oo qaabilsan ilaalinta ammaanka Yahuudda.

Taariikh ahaan dowladda Masar weligeed waxay dagaal kula jirtay jamaacaadka Islaamiga ah iyadoo lasafan Yahuudda iyo Nasaarada, ciidanka Masar oo hub casri ah ku qalabaysan ayaa iska daawanaya ficillada gardarrada ah ee uu Abiy Axmed ku leexinayo biyaha webiga Niil oo nolol iyo geeri u ah inkabadan 100 malyan oo qof masaari ah

Related Items

Update cookies preferences