Taiwan oo $2milyan ugu deeqday Somaliland.

Monday September 30, 2024 - 16:33:44
Liibaan Jeexoow
Maamulka aan weli la aqoonsan ee Taiwan ayaa 2milyan oo doolar ugu deeqay maamulka Somaliland.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Taywaan oo shaley ka qaybgaley munaasibad ay soo qabanqaabiyeen Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay doorashooyinka Somaliland ee sannadkan darteed Somaliland siinayaan lacag dhan 2milyan oo doolarka Mareykanka ah.

"Aniga oo metelaya dawladdeyda Taiwan waxa aan Somaliland ku wareejinayaa taageeradayada dhanka dimuquraadiyadda taas oo ah 2milyan oo doolar” Wakiilka Taiwan ee Somaliland.

Wakiilka Taiwan waxa uu sidoo kale tibaaxay in dalkoodu uu Guddida Doorashooyinka Somaliland u direy Taiwan si ay usoo indho-indheeyaan doorashooyinka baarlamaanka iyoa madaxtooyada ee Jasiiradda Taiwan sannadka bilowgiisii.

Dhanka kale Somaliland ayaa soo dhawaysey lacagtan loogu deeqay taas oo Komishanku ku hawlgeli doono sida la rejaynayo.

Related Items

Update cookies preferences