"Waxaan xaqiijinayaa in aan xoriyaddaydii dib u helay. Waxaanna u mahad celinayaa cid kasta oo ka damqatay muddadii 30-ka maalmood ahayd ee aan sharci darrada ugu xidhnaa xabsiga Mandheera.” ayuu yidhi Xildhibaaan maxamed abiib oo bartiisa facebook soo dhigay qoraalkan.
Sii-daynta xildhibaanka ayaa timi kadib amar ay maxkamadda sare ku bixisay maanta oo Isniin ah in dib xorriyaddiisa loogu celiyo Maxamed Abiib Yuusuf oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha wakiillada ‘Somaliland’.
Maxamed Abiib ayaa horraantii bishan aynu ku jirno xabsiga loo taxaabay. Dacwad ka timid Xeer Ilaaliya Somaliland ayaa lagu codsadey in xarig iyo xilka xayuubin lagu sameeyo xildhibaanka.
Golaha Wakiillada ee SL ayaa laba jeer diidey in ay xilka xayuubin ku sameeyaan Maxamed Abiib. Diidmadaka dib waxa uu baarlamaanka maamulku dacwad u gudbiyey Maxkamadda Sare ee isla maamulka taas oo maanta soo saartey qaraar lagu sii daynayo Xildhibaan Maxamed Abiib.
"Maxkamaddu waxay xorriyaddiisa u celisay mudane Maxamed Abiib Yuusuf waxaana la farayaa Taliyaha Asluubtu in uu xabsiga ka sii daayo isla maanta oo ay taariikhdu tahay 30/9/2024” ayaa lagu yiri qaraarka maxkamadda.
Xildhibaanka ayaa muddo bil ku dhaw ku xidhnaa xabsiga Mandheera oo ku yaal degmo hoostagta magaalo-marsada Berbera. Waxaana laga qabtay madaarka magaallada Hargeysa xilli uu kasoo laabtay safar uu dibadda ugu baxay gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta.