Weerar lagu gubay gaadiid sahay u siday saldhigga Balidoogle oo ka dhacay duleedka Wanllaweyn Sh/hoose.

Monday September 30, 2024 - 13:45:55
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar culus oo khasaare farabadan dhaliyay lagu qaaday kolonyo gaadiid ah xilli ay sahay usii gelbinayeen saldhigga Balidoogle.
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar jidgal ah udhigay ciidamo gaadiid xamuul siday usii gelbinayay saldhigga ciidanka Mareykanka ee Balidoogle.

Weerarka oo ka dhacay inta udhaxaysa degmada Wanlaweyn iyo deegaanka Buulaalow ayaa lagu gubay 3 gaari xamuul ah iyadoona dagaalyahannada Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen 1 gaari sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu jiro khasaara dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray ciidamadii weerarka jidgalka ah ee loo dhigay ee gaadiidka sahayda sida gelbinayay saldhigga ciidanka Mareykanka Balidoogle

Related Items

Update cookies preferences