Ciidanka cirka Yahuudda ayaa weli xasuuq ka geysanaya gobollada kala duwan ee wadanka Lubanaan oo kamid ah dalalka dhaca mandiqadda Shaam.
Ugu yaraan 110 qof ayaa dhintay boqolaal kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii diyaaradaha Yahuudu ay duqeymo laayaan ah ka fuliyeen Koonfurta iyo bariga barigaas.
Guddiga gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in duqeymaha ugu khasaaraha badan ay ka dhaceen Albiqaac,Baclabak iyo Harmal.
Dhinaca kale duqeyn saaka aroortii ka dhacday bartamaha magaalada Beyruut ee caasimadda Lubanaan ayaa lagu dilay hoggaamiyaal katirsan jabhadda Shacbiga Falasdiin.
Jabhadda Xoreynta Falasdiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in duqeyn dhagar ah lagu dilay sedax kamid ah hoggaamiyaasheeda kuwaas oo kala ah Max'med Cabdul Caal,Cammaad Cowdah iyo Cabdiraxmaan Cabdul Caal.
Taliyaha ciidanka Yahuudda ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay gudaha Lubnaan ka fuliyeen weeraro ka dhan ah wax uu ugu yeeray kooxo Argagaxiso ah.