Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay sheegay in ciidamada Xabashida Itoobiya ay lawareegeen garoomo diyaaradeed oo kuyaal Koonfurta Soomaaliya isagoo ismoogaysiinayay in isagu uu Xabashida usaxiixay heshiiskii ay ku qabsadeen dalka.
Xasan Gurguurte oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siiyay Telefeshinka Al Jazeera Mubaasher ayaa ugu horrayan shaaciyay in dowladda Itoobiya ay leedahay damac fog oo ku qotoma qaadashada badda Soomaaliya wuxuu meesha ka saaray sheegashooyinkii horay uga imaanayay Abiy Axmed ee ahaa in ay doonayaan dekado ganacsi.
Wuxuu carrabaabay in Itoobiya ay doonayso qaadashada badda iyo barriga Soomaaliya balse sooma bandhigin wadiiqooyinka ugu haboon ee looha hortagi kari damacaasi gurrucan.
Su'aal laga weydiiyay waxa ka jira in ciidamada Itoobiya ay lawareegeen garoomo diyaaradeed oo ka dhaca Koonfurta Soomaaliya ayuu arrintaas qiray oo wuxuu sheegay in ciidanka Xabashidu ay qabsadeen dhammaan garoomada diyaaradaha gobolka Gedo iyo waddooyinka muhiimka ah iyagoo marmarsiimo uga dhigtay in ay ka hortagayaan ciidamada Masar.
Xasan Gurguurte ayaa sidoo kale Itoobiya ku eedeeyay in ay shixnado hub ah dalka soo gelisay islamarkaana ay hubaysay maleeshiyo beeleedyo ka shaqeeya danaheeda kuwaas oo ku sugan deegaannada dhaca xuduud beenaadyada.
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ka hadlayay arrimaha maamulka Somaliland iyo xiriirka Xabashida Itoobiya "Mushkiladda Somaliland waa mushkilad soomaaliyeed, haddaan is khilaafno, ama kala go’no ama midawno, waa go’aan u yaal ummadda soomaaliyeed mana khuseeyo Itoobiya,Somaliland oo muddo 30 sano ah raadinaysay inay go’dana ilaa haatan ma jirto cid ictiraaftay hadday noqoto EU, AU iyo UN. Sidaas darteed ma jirto sabab sharci H oo dawladda Itoobiya u leedahay inay ku aqoonsato qayb ka mida dal kale"ayuu yiri Xasan Gurguurte.
isagoo hadalkiisa sii wata oo kana hadlayay Ictiraafka ay Itoobiyo siinayso maamulka Somaliland iyo is fahamkii MOU-ga ayuu yiri "Arrintaasina waxay albaabada u furaysaa qolqolotooyin hor leh. Waxaanay haatan Itoobiyaa Khalkhal iyo hadidaad ku haysaa xasiloonida gobolka, kamana shaqaynayso deggenaanshihiisa,Itoobiya ma doonayso dekad ganacsi ee waxay doonaysaa bad ay qabsato oo ay ka dhisato saldhig ciidan si ay gacanka Caden awood ugu yeelato".
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahaa madaxweynihii DF-ka ee sanaddii 2013-kii dowladda Itoobiya lasaxiixday heshiis amni oo ogolaanayay in kumanaan katirsan ciidamada Xabashida ay Soomaaliya soo geli karaan iyagoo aan katirsanayn dalladda AMISOM arrinkaas oo sabab unoqday in Itoobiyaanku qabsadaan inta badan magaalooyinka waaweyn ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Caddeymahan uu bixiyay hoggaamiyaha DF-ka ayaa kusoo aadaya xilli ay fashilmeen dhammaan isku dayadii lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka udhaxeeya Addis Ababa iyo Villa Somalia ee ka dhashay ku dhawaaqiddii Itoobiya ee qaadashada badda Soomaaliya.