Dowladda Itoobiya Oo 'Q.Midoobay' U Sheegtay In Heshiiskii Ay La Gashay Muuse Biixi Uu Yahay Mid Horumar U Ah Dadkeeda!

Sunday September 29, 2024 - 11:11:00
Liibaan Jeexoow
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa billaawday in ay maxaafishiga caalamiga ah geyso kiiska ku saabsan heshiiskii xaaraanta ahaa ee uu maamulka Somaliland ku siiyay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.
Taye Atske Selassie oo ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa kalimaddii uu ka hor-jeediyay xarunta waxa loogu yeero Q.Midoobay uu si qota dheer uga hadlay xasaradaha siyaasadeed ee ka aloosan geeska Afrika iyo arrimaha Soomaaliya.

Ugu horrayn dowladda Xabashida Itoobiya waxay difaacday tallaabada ay ku buuxinayso biya-xireenka ay ka dhistay webiga Niil iyadoo waxba kama jiraan kasoo qaadday eedaymaha uga imaanaya Masar iyo Suudaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa mar uu soo hadal-qaaday arrimaha Soomaaliya wuxuu ku faanay heshiiskii ay dowladdiisu la gashay Muuse Biixi wuxuuna ku sifeeyay mid horumar u ah wax uu ugu yeeray gobolka.

Taye Atske Selassie ayaa ku jees-jeesay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in aysan iska difaaci karin wax uu ugu yeeray Argagaxisada oo uu ula jeedo Shabaabul Mujaahidiin.

Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujisay fara-gelinta ay Masar kusoo sameysay arrimaha Soomaaliya waxayna ka cabsi-qabtaa in howl-gallada ciidamada shisheeyaha ATMIS ay Masaaridu kaalin ku yeeshaan.

Dhawaqa kasoo yeeray xukuumadda Addis Ababa ayaa muujinaya sida ay u doonayso in ay ku dheganaato dhaqan-gelinta heshiiskii ay la gashay Muuse Biixi kaasi oo u ogolaanayayay qaadashada qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences