War rasmi ah oo kasoo baxay Xisbiga Iiraan ee wadanka Lubnaan ayaa lagu xaqiijiyay in uu dhintay Xasan Nasrullaah oo muddo ka badan 30 sano hoggaaminayay Xisbiga.
Bayaan kasoo baxay ururka isku magacaabay Xisbullaah ayaa lagu sheegay in Xasan Nasrullaah iyo hoggaamiyaal kale lagu dilay duqeymo aad uculus oo shalay ka dhacay Koonfurta magaalada Beyruut ee caasimadda Lubanaan.
Dhinaca kale taliska ciidanka Yahuudda ayaa xaqiijiyay geerida Xasan Nasrullaah, warar soo baxay ayaa sheegaya in taliyihii Feylaq Qudus ee Iiraan uqaabilsanaa Lubnaan isna lagu dilay duqeymihii shalay dhacay.
7 maalmood gudahood ayaa Xisbiga Iiraan ee Lubanaan laga dilay 9 hoggaamiye oo uu ugu sarreeyo Xasan Nasrullaah.