Masiirka Ururka 'Xisbullaah' oo mugdi ku jira kadib duqeyn ka dhacday caasimadda Lubnaan.

Saturday September 28, 2024 - 08:47:05
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay duqeymo culus oo diyaaradaha dagaalka Yahuudda ay ka geysteen magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnanaan.
Ugu yaraan 300 oo ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duqeymaha oo beegsaday guryo isku raran ah oo ay hoggaanka ururka isku magacaabay Xisbullaah iyo qoysaskoodu ku sugnaayeen.

Afhayeenka ciidanka Yahuudda ayaa usheegay wakaaladaha wararka in ay beegsadeen goob uu ku sugnaa Xasan Nasrurallaah oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Iiraan ee dalka Lubnaan.

Muuqaallo lagasoo duubay goobta labeegsaday ayaa muujinayay illaa 6 dhisme oo dhulka lala simay, mas'uul uhadlay guddiga difaaca madaniga xukuumadda Lubanaan ayaa sheegay in ay dad nool kasoo saareen burburka hoostiisa isagoo wixii ku dhacay ku tilmaamay xasuuq daran.

Mugdi ayaa kujira xaaladda hoggaamiyaasha Xisbiga Iiraan ee dalka Lubnanaan,goob joogayaal ayaa sheegay in diyaaradaha Yahuudda ay xasuuq aan loo meeldayin ka geysanayaan Koonfurta Beyrtuut oo ah deegaan ay ku badanyihiin shiicada taabacsan Iiraan.

Related Items

Update cookies preferences