Diyaarado joog hoose ku duulaya oo lagu arkay magaalooyin katirsan gobolka Awdal.

Thursday September 26, 2024 - 17:25:33
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo aan heybtooda lagaran ay dul heehaabayaan dhowr magaalo arrinkaas oo walaac ku beeray dadka deegaanka.
Magaalooyinka Boorama,Baki iyo Zeylac iyo Lughaye oo kawada tirsan gobolka Awdal ayaa lagu arkay diyaarado joog sare ku duulaya mararka qaarna joog hoose kuwaas oo muddo saacada ah hawada ku jiray.

Goob joogayaal ayaa sheegay in diyaaradahan ay yihiin kuwa qumaatiga ukaca islamarkaana guuxooda ay ka dideen xoolaha ay dadku dhaqdaan ee ku sugan miyiga gobolka Awdal.

Inkastoo aan la ogeyn dowladda leh diyaaradahan dul heehaabaya hawada gobolka Awdal hadane magaalooyinka ay dul duulayaan waxaa kamid ah Zeylac iyo Lughaye oo bilo ka hor ay booqdeen saraakiil ka socday Xabashida Itoobiya waxaana laqorshanayaa in halkaas ay saldhigyo ka sameystaan ciidamada gummeysiga Itoobiya.

Mas'uuliyiin katirsan maamulka dabadhilifka ah ee isugu yeeray Somaliland oo arrintan ka hadlay ayaa dadka deegaanka ugu baaqay in ay isdajiyaan iyagoo muujiyay in ay ka warqabaan diyaaradahan, wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradahan ah yihiin kuwa sahan ah oo ay soo dirtay dowladda Xabashida Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences