Ciidanka Suudaan oo dib ula wareegay buundooyinka ugu muhiimsan magaalada Khurduum.

Thursday September 26, 2024 - 16:41:32
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen xaafadaha ugu muhiimsan magaalada caasimadda ah ee Kharduum halkaas oo ku dhowaad 2 sano ay ka socdaan loollano melleteri.
Xukuumadda Suudaan ayaa guulo waaweyn ka sheegatay dagaallada maanta dib uga biilaawday magaalada Khurduum.

Ciidanka Suudaan ayaa Khamiistii fuliyey duqeyn madaafiic ah iyo kuwa cirka ah oo ka dhacday magaalooyinka isku raranka ah ee ay caasimaddu ka koobantahay.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo muhiim ah ciidamada dowladda ayaa dib ula wareegay illaa sedax buundo oo muhiim u ah qabsashada caasimadda kuwaas oo Khurduum ku xira magaalada Umu Durmaan.

Weerarkan ayaa loo arkaa inuu yahay kii ugu weynaa ee ay ciidanku ku doonayeen inay ku soo ceshadaan dhulkii laga qabsaday tan iyo markii dagaalka Suudaan uu billowday 17 bilood ka hor kaas oo ay kula jiraan xoogagga RSF ee taageerada xooggan ka helaya dowladda Imaaraatka Carabta.

Tallaabadani waxay imaanaysaa ka hor inta aanu hadal jeedin Sareeye Gaas C/ Fataax Al-Burhaan kaasi oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York isagoo maalinta jimcaha halkaas ka jeedin doono khudbad siyaasadeed oo uu uga warbixinayo xaaladda Suudaan.


Related Items

Update cookies preferences