Soomaaliya dal xor ah mise suuqa hubka lagu tijaabiyo?

Thursday September 26, 2024 - 12:03:02
Liibaan Jeexoow
Wax badan baa laga hadlaa dalka Soomaaliya ee ku yaalla Geeska Afrika si kale haddii loo yiraahdana dhaca Bariga Qaaradda Afrika.
Soomaaliya taariikhdiisa dadku waa ay ka dheregsan yihiin oo waxa ay ‘xorriyadda’ qaadatey 1960-kii waxa aaney ahaayeen dhul loo qaybiyey shan qaybood oo laba kamid ahi ilaa hadda maqan yihiin, laakiin haddii ay maqan yihiin kama xaalad liitaan kuwa la yiraahdo waa xor!.

Soomaalidu waxa ay u qaybsameen qaar qori loogi taliyo qaar qalin loogu taliyo iyo koox aqalliyad ah oo iyagu shareecada Alle u taagan, waana kuwa ku nool xornimada dhabta ah. Haddaba qoraalkeennan oo mid gaaban noqon doona waxa aynu isku weydiin doonnaa Soomaaliya xor ma tahay sida la sheego mise waa dal hubka lagu tijaabiyo?.

Bishii December ee sannadkii tagey kuwa loogu yeero Qaramada Midoobey waxa ay cunaqabateyntii hubka ka qaadeen Soomaaliya taas oo su’aal weyn dhalisey? Maxaa loogu soo beegay xilligan xasaasiga ah oo ay baxayaan kuwii lagu sheegi jirey nabad ilaalinta.

Bilo ka dib waxa magaalada Caabudwaaq la soo galiyey laba baabuur oo ku raran qoryaha fudud sida Ak47, Boobeyaal iyo bambooyinka gacanta taas oo ay siyaabo kala duwan uga hadleen maamulka Galmudug iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Imashada hubkani wuxu sababey tiro dhimasho ah oo gaareysa ilaa labaataneeyo qof, sida ay tabisey idaacadda Codka Mareykanka VOA. Dhacdadani waxay dhacdey bishii Julaay bartamaheedii laakiin sabab? Cidi isma weydiin!.

Markale Bishan September 19-keedii waxa gawaari sidda hub ay dowladda Itoobiya gaarsiisey maamulka Puntland, falkan waxa war qoraal ah ka soo saarey DF taas oo cambaareysay isla markaana sheegtay in Itoobiya ay ku xadgudubtey madaxbannaanida Soomaaliya. Waxa kale oo ay Wasaaradda Dibedda ee Federaalku xustay in sidaas oo kale hub looga dejiyey maamulka Koonfur Galbeed ee Lafta-Gareen hoggaamiyo. Hoos ka akhri warsaxaafadeedka DF Somalia.

Dhanka kale Xukuumadda fadhigeedu yahay Qaahira ayaa markii ugu horreysay diyaarado dagaal oo sida shixnado hub ah ka dejisay Soomaaliya dhammaadkii bishii Ogoosto ee ina dhaaftey. Masar waxa ay isla bishaa bartamaheedii heshiis amni wada saxeexdeen Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Isla markale waxa Masar bishan aynu ku jirno ee Sept 23-keedii markab sida saanad millateri ay ka soo dejisay dekedda magaalada Muqdisho taas oo hadal hayn weyn dhalisey.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa warbixin ay baahisey ku xustey in markii ugu horreysay 40sano ka dib ay Masar kaalmo millateri siinayso Soomaaliya. Wasaaradda Dibedda ee Masar ayaana xaqiijisey in ay Soomaaliya geeyeen saanad millateri si Soomaaliya loogu taageero sugidda amniga, ilaalinta madaxbannaanida dhuleed iyo la dagaallanka ‘argagixisada’.

Haddaba isweydiintu waxa ay tahay Soomaaliya ma waxa ay noqotey meel hubka dalalka shisheeye lagu tijaabiyo mise waa dal madax bannaan, haddii ay ta hore tahay maxaa Itoobiya iyo Masar ay ugu soo daabbulayaan Somalia hubkan aadka u badan? Haddii se jawaabtu tahay ta dambe maxaa Soomaalida arrinkooda iyaga loogu deyn waayey oo tobannaanka dawladood ee shisheeye u joogaan?

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences