Xogaha dheeraadka ah ee ka soo kordhaya xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Geeska Afrika ayaa sheegaya in Itoobiya ay digniin millateri u dirtey Xukuumadda Qaahira ee uu Alsiisi hoggaamiyo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Itoobiya ay baaqan digniineed sii marisey Jabbuuti si loo gaarsiiyo Masar.
Farriintan digniinta xambaarsan ee Itoobiya dirtey ayaa tibaaxeysay in tallaabo kasta oo lid ku ah danaha Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya haddii ay Masar ku kacdo in ay ka dhalanayso cawaaqib halis ah.
Digniintan ayaa imanaysa ka dib markii maalintii shaley ahayd ay xukuumadda Qaahira saanad millateri oo isugu jira artilariyo iyo hubka lidka taangiyada ka dejisay Muqdisho.
Inkasta oo aan wax faahfaahin ahi ka soo bixin Masar haddana waxa qoraal uu baahiyey Wasiirka Difaaca Soomaaliya laga dheehanayey sida uu ugu faraxsan yahay xiriirka cusub ee Qaahira iyo Muqdisho.
Warsame Warfaa