Nin falanqeeye Masaari ah oo shaaciyay sababta rasmiga ah ee dowladda Masar usoo faragelinayso Soomaaliya.

Tuesday September 24, 2024 - 17:42:58
Liibaan Jeexoow
sawir tusaale ah
sawir tusaale ah
Falanqeeye Masaari ah oo si aad ah ugu dhow xukuumadda Cabdifaat Alsiisi ee wadanka Masar ayaa si qota dheer uga hadlay faragelinta cusub ee xukuumadda Al Qaahira ay ku sameysay dalka Soomaaliya.
Dr.Maxamed Maxamuud Mahraan ayaa wareysi uu siiyay Telefeshinta RT qeybta Af Carabiga wuxuu ku sheegay in tallaabada ay Masar hubka ugu daad guraysay Soomaaliya ayna ciidamada udirayso ay tahay sidii ay qeyb uga noqon laheyd mashruuca reergalbeedku maalgeliyo ee loo yaqaan Argagaxiso ladirirka.

Ninkan oo wax ka dhiga jaamacadaha Masar si aad ahna utaageero nidaamka Alsiisi ayaa meesha ka saaray wararka ay ku hadaaqayaan madaxda DF-ka ee ah in ciidanka Masar ay Itoobiyaka difaacayaan Soomaaliya.

"joogitaanka ciidanka Masar ee Soomaaliya waxa uu ku saleysan yahay qawaaniinta adag ee ladagaallanta Argagaxisada, Masar waxay taariikh dheer uleedahay ka qeyb qaadashada howlgallada nuucaan ah, Intaas waxaa dheer in Masar ay ka go’an tahay fulinta heshiisyada iskaashiga dhinaca amniga iyo milatariga ee ay la leedahay Soomaaliya" ayuu yiri Mehraan.

Wuxuu intaas ku daray in imaanshiyaha ciidanka Masaarida ee Soomaaliya uusan wax lug ah ku laheyn khilaafka ka taagan biya xireenka Al Nahda ee dalka Itoobiy.

Bishii lasoo dhaafay ayay xukuumadda dabadhilifka Al Qaahira ugudbisay ururka midowga Afrika doonitaankeeda ku aadda ka qeyb qaadashada duullaanka uu shisheeyuhu kusoo qaaday Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences