Dad ka badan 500 oo ruux ayaa ku dhintay duqeymaha Yahuudda ee Koonfurta Lubanaan.

Tuesday September 24, 2024 - 11:15:30
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay duqeymaha culus ee ciidanka cirka Yahuudda uu maalintii 2aad oo xiriir ah ka wado magaalooyin iyo deegaanno katirsan wadanka Lubanaan ee dhaca mandiqadda Shaam.
Ugu yaraan 500 oo ruux ayaa ku dhintay duqeymahan oo ahaa kuwa saacado badan qaatay sida uu warbaahinta usheegay wasiirka caafimaad ee xukuumadda Lubanaan.

Khasaaraha ugu daran ayay diyaaradaha Yahuuddu ka geysteen mandiqadda Baclabaak ee Koonfurta Lubanaan, dadka dhintay ayaa ubadan carruur iyo haween sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Wasiirka difaaca Yahuudda ayaa shir jaraa’id ku sheegay in ay ku faanayaan duqeymaha ay ciidamadoodu ka geysanayaan wadanka Lubnaan, dhinaca kale ururka isku magacaabay Xisbullaah ee Shiiciga ah ayaa boqolaal sawaariikh ah ku beegsaday magaalooyin katirsan dhulka Falasdiin oo ay Yahuuddu xoog ku deganyihiin.

Related Items

Update cookies preferences