Dowladda Uganda oo sheegtay in mid kamida diyaaradaheeda dagaalka ay ku burburtay Soomaaliya.

Sunday September 22, 2024 - 15:25:28
Liibaan Jeexoow
Taliska ciidanka Uganda ayaa ku dhawaaqay in mid kamida diyaaradahooda ay ku burburtay meel ku dhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Dowladda Uganda waxay xaqiijisay in diyaaradda oo burburtay khamiistii lasoo dhaafay ay milkiyadeeda laheyd xukuumadda Uganda islamarkaana ay qeyb ka aheyd howlgalka Ashahaadda ladirirnimo ee ka socda Soomaaliya.

Felix Kulayigye oo ah afhayeenka ciidanka UPDF ayaa usheegay wakaaladaha wararka in diyaaraddu ay ku burburtay meel ku dhow degmada Afgooye waxyar kadib markii ay ka kicitintay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Uganda waxay muujisay shakiga ay ka qabto waxa sababay shilka iyadoo ku baaqday in lasameeyo baaritaanno dheeraad ah, ugu yaraan 4 qof oo la socday diyaaradda ayaa lasoo badbaadiyay.

Felix Kulayigye ayaa intaas ku daray in diyaaraddu ay ku socotay saldhigga Balidoogle oo uu ku yaal saldhigga ugu weyn ee ciidanka Mareykanku ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ay burburaan diyaarado ay dowladda Uganda uga qeyb qaadanaysay duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya, illaa iyo 2 diyaaradood ayay Uganda horay ugu weysay Soomaaliya illaa iyo haddana wax mag dhow ah ugama helin waxa loogu yeero Q.Midoobay.

Related Items

Update cookies preferences