Max'med Cabdi Waare oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee Ururka IGAD horayna usoo noqday madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa ka digay loollanka cusub ee dowladaha gobolka ku dhaxmaraya Soomaaliya.
Isagoo khudbad ka jeedinayay fagaare kuyaal magaalada Garowe ayuu sheegay in Masar ay doonayso in ay sii huriso colaadda Soomaaliya iyadoo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Itoobiya.
Max’med Cabdi Waare oo umuuqday in uu gudbinayo farriinta xoghayaha IGA ee Itoobiyaanka ah ayaa si kulul uweeraray faragelinta cusub ee Masar kusoo sameysay Soomaaliya isagoona ka digay in loollankan cusub uu khasaara weyn soo gaarsiiyo Soomaaliya.
"Sida hadda aan ku socono haddii aan kusii socono, 20 KM oo bad ah ayaa hadda la yaabanahay, dad Soomaali la dhihi jirey ayaa jiri jiray ayaan maqli doonaa, haddii aynaan ka bixin khiyaaliga iyo in aan la kala jirsanno Masar & Itoobiya ama shisheeye kale”ayuu yiri Waare.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda Xabashida Itoobiya ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay jeedinayay hadallo kulul oo ay ku weerarayaan dowladda Xasan Gurguurte iyagoo ku goodinayay in ay dagaal culus lageli doonaan ciidanka Masar ee Soomaaliya kusoo wajahan.