Itoobiya ayaa markale ku celisay in aaney lumin doonin fursadda qaaliga ah ee ay haystaan si ay u helaan marin badeed oo ay ayagu iska leeyihiin.
Ridwaan Xuseen oo ah siyaasi Itoobiyaan ah isla markaana ah La taliyaha Amniga ee Reysal Wasaaraha Itoobiya ayaa ka dhawaajiyey in ay ka faa’ideysan doonaan jaaniska ay haystaan si ay u qaataan qayb kamida xeebaha waqooyi ee Soomaalida.
Ridwaan waxa uu xusey in xilligii boqorkii Itoobiya ee Milinik ay lumiyeen fursad ay ku hanan lahaayeen dekadda Seylac ee Waqooyiga Soomaaliya.
"Fursaddayadii koowaad waxa aanu luminnay xilligii boqor Milinik, hadda waxa na soo martey fursaddii labaad mana oggolaan doonno in uu na dhaafo jaaniskan labaad” Ridwaan Xuseen.
Dhanka kale aqoonyahan Itoobiyaan ah oo xaley wareysi siiyey warbaahinta Itoobiya ETV ayaa ka dhawaajiyey in Somaliland aaney dib ugu laaban doonin Soomaaliya halka Puntland-na ku socoto waddada gooni goosadka ah ee Somaliland taas oo ay keentay siyaasadda Xasan Sheekh ee uu Masar ku keenayo Soomaaliya.
Borofesoorkan oo lagu magacaabo Brook Hailu ayaa wareysigiisu aad ugu faafey barta X isla markaana siyaabo kala duwan looga fal celiyey
Itoobiya oo dad badani saadaalinayaan in ay cagta saartey waddadii burburka ayaa iyadu dhanka kale isku mashquulinaysa sidii ay u fulin lahayd MoU-gii ay la gashey Somaliland.
Warsame Warfaa
Warsame Warfaa