Mid kamida dowladaha dhaca waqooyiga qaaradda Afrika ayaa qaadday tallaab ay uga jawaabayso heshiiskii ay horraantii bishan Masar lagashay DF-ka Soomaaliya.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sare uqaadday gulufkeeda siyaasadeed iyo midka melleteri ee ay ku doonayso in ay ku wiiqdo galaangalka cusub ee dowladda Masar ka waddo geeska qaaradda Afika.
Mas'uuliyiin sarsare oo katirsan dowladda Xabashida Itoobiya ayaa gaaray magaalada Rabaad ee caasimadda wadanka Al Maqrib ee loo yaqaan Marocco.
Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiisyo amni iyo kuwa difaac sida lagu sheegay war rasmi ah oo ay xukuumaduhu soo saareen, Jeneral Berhaanu Jula oo ah taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya ayaa heshiiska usaxiixay xukuumadda Abiy Axmed.
Taliyaha ciidanka Boqortooyada Al Maqrib ayaa isna sheegay in Itoobiya ay ka gacansiin doonaan arrimaha ciidamada iyo horumarinta Tignoolajiyadda.
Taliyaha ciidanka Boqortooyada Al Maqrib ayaa isna sheegay in Itoobiya ay ka gacansiin doonaan arrimaha ciidamada iyo horumarinta Tignoolajiyadda.
Wakaaladda wararka ufaafisay dalka Marocco ayaa sheegtay in heshiisyadan difaac iyo midka amni ee labada dhinac ay kala saxiixdeen sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqan gelin doono.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dowladda Itoobiya ay Al Maqrib ka heli doonto tababarro ciidan iyo khibradaha dhanka caskariga ah.
Is xulufaysiga udhaxeeya dowladaha qaaradda Afrika ayaa gaaray meeshii ugu sarraysay, nidaamka Abiy Axmed ayaa doonaya in dowladaha xubnaha ka ah midowga Afrika ku cadaadinaya in ay fashiliyeen damaca Masar ee ah in ay kamid noqoto dowladaha Afrikaanta ee ciidamada usoo diraya Soomaaliya.
Itoobiya iyo Marocco ayaa xiriirkooda diblumaasiyadeed dib usoo ceshaday sanaddii 2016-kii kolkaas oo uu boqor Maxamed-ka lixaad booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa.
Itoobiya iyo Marocco ayaa xiriirkooda diblumaasiyadeed dib usoo ceshaday sanaddii 2016-kii kolkaas oo uu boqor Maxamed-ka lixaad booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa.